Awoodda Ereyga ‘Hadda’ || Sida Loo Joojiyo Dib-u-dhigista

Hordhac: Dhalanteedka Loo Yaqaan “Berrito”

Aynu si toos ah u abaarno xanuunka. Dib-u-dhigiddu (Procrastination) ma aha caajisnimo; waa cudur nafsadeed oo si aamusan u disha masiirka aadanaha. Waa xanuun ku dhisan hal dhalanteed oo weyn: aaminaadda indho-la’aanta ah ee aynu aaminsannahay in “Berrito” ay jirto. Berrito waa qabri weyn oo lagu aasay riyooyinkii ugu quruxda badnaa, buugaagtii aan waligood la qorin, iyo ganacsiyadii aan waligood la abuurin.

Marka aad tiraahdo “Berrito ayaan samaynayaa,” waxaad gashay heshiis khiyaali ah. Maskaxdaadu waxay helaysaa xasilooni been abuur ah, balse xaqiiqadu waxay tahay inaad is-aawintay. Qoraalkan, kuma siin doono dhiirigelin rakhiis ah oo ku oranaysa “Kac oo shaqee.” Dhiirigelintu waa sida sonkorta; mar qura ayay dhiigga kacisaa, waxyar kadibna hoos ayay kuu ridaysaa. Taas beddelkeeda, waxaynu samayn doonnaa qalliin maskaxeed. Waxaynu u dhici doonnaa moolka dhimirka hoose, waxaynu la sheekaysan doonnaa raggii aduunka ugu xikmadda badnaa, si aynu u dilaacinno nabarkan, una soo saarno xididka cabsida ee kaa hortaagan awoodda kalmadda “Hadda”.

Carl Jung Iyo Harka Cabsida

Si aynu u daaweyno cudurka, waa in aynu marka hore ogaano meesha uu ka yimid. Cilmi-nafsigii weynaa ee Carl Jung wuxuu aaminsanaa in maskaxda bini’aadamku ay leedahay qayb gudcur ah oo uu ugu yeeray The Shadow (Harka). Waa qaybta xambaarsan cabsida, cuqdadda, iyo wixii aynu ka cararno.

Dib-u-dhigiddu (Procrastination) ma aha inaad neceb tahay shaqada; waa nidaam is-difaac oo uu dhimirkaaga hoose (Subconscious mind) adeegsanayo. Marka aad wajahdo shaqo muhiim ah—ha ahaato qoridda buug, dhisidda ganacsi, ama barashada xirfad cusub—maskaxdaada waxaa ku dhasha xanuun qarsoon. Xanuunkaas ma aha midka shaqada, balse waa cabsida laga qabo Fashilka, Xukunka dadka kale, ama Inaad ogaato inaadan ku fiicnayn sidaad u malaynaysay.

Jung wuxuu leeyahay, “Ilaa aad miyir u yeesho waxa ku jira dhimirkaaga hoose, wuxuu hagi doonaa noloshaada, waxaadna ugu yeeri doontaa Nasiib.”

Marka aad shaqada dib u dhigto, waxaad u carartaa baraha bulshada (Social Media) ama daawashada filimada. Maxaa yeelay, meelahaas maskaxdu kama dareento wax cabsi fashil ah. Waa daawo-suuxin (Anesthesia) kumeel gaar ah.

Daawada Qalliinka: Waa inaad joojisaa la-dagaalanka shaqada, oo aad bilowdaa inaad la hadasho cabsidaada. Marka xigta ee aad damacdo inaad shaqada dib u dhigto, bal yaro hako. Gali jidhkaaga. Su’aal weydii naftaada: “Muxuu yahay xanuunka aan ka cararayo hadda?” Qirashada cabsida ayaa ah tallaabada ugu horraysa ee lagu burburiyo awoodda Harka.

Marcus Aurelius Iyo Kibriga Waqtiga

Haddii Carl Jung uu inoo sharxay sababta aynu u cararno, boqorkii Roomaanka ee Marcus Aurelius ayaa ina baraya sida aynu u wajahno xaqiiqada adag ee waqtiga. Falsafadda Stoicism-ka (Adkaysiga) waxay leedahay hal tiir oo adag: Memento Mori (Xusuusnow inaad dhiman doonto).

Buugiisa qadiimiga ah ee Meditations, Aurelius wuxuu ku qoray: “Waxaad awooddaa inaad nolosha ka tagto xilligan la joogo. Ha u oggolaan inta kuu dhiman in ay ku dhex lunto dhalanteed. Gacanta ku dhig ficilka hadda.”

Dib-u-dhigistu waxay ku dhalataa kibir weyn oo ku aasan maskaxda aadanaha—kibriga ah in aan haysanno waqti dammaanad qaad leh. Waxaad qorshaynaysaa inaad “Sanadka dambe” is-beddesho, adigoon xitaa heshiis la gelin malagga nafta qaada ee berrito. Waqtigu waa hantida kaliya ee aan dib loo abuuri karin. Lacag waa la raadin karaa, guri waa la dhisi karaa, balse ilbiriqsiga hadda ku dhaafay waa mid abid lumay, oo ku biiray webiga weyn ee aakhiro.

Marcus Aurelius wuxuu ina barayaa qabownimada ficilka. Ha sugin inaad hesho “Dareen (Motivation)” si aad u shaqayso. Dabeecadda (Nature) ma sugto dareen; qorraxdu kama caajisto soo bixidda subaxdii, geeduhuna dib uma dhigaan korriimada. Adiguna waxaad qayb ka tahay dabeecadda. Shaqee adigoon eegin dareenkaaga. Awoodda “Hadda” waxay ka timaadaa garashada in “Hadda” ay tahay waxa kaliya ee aad dhab ahaan u leedahay.

Rubicon-ka Maskaxda

Aynu eegno taariikhda bini’aadamka iyo sida raggii adduunka miisaanka culus ka ahaa ay u fahmeen awoodda “Hadda”. Sanadkii 49-kii dhalashadii Ciise hortiis (49 BC), Janaraal Julius Caesar wuxuu la taagnaa ciidankiisa hareeraha webiga yar ee Rubicon. Sharciga Roomaanku wuxuu dhigayay in janaraal kasta oo ciidan wata oo ka soo tallaaba webigaas loo tixgelin doono cadow qaran.

Caesar wuxuu wajahayay doorasho: Inuu dib u noqdo oo uu badbaado isagoo dhisanaya awood kumeel-gaar ah, ama inuu hore u socdo, go’aan qaato, oo uu masiirkiisa wajaho “Hadda”. Muxuu sameeyay? Wuxuu bixiyay amarkii, isagoo yiri kalmaddii caanka noqotay: “Alea iacta est” (Laadhuugii waa la tuuray / Go’aankii waa dhacay).

Markii uu ka soo tallaabay Rubicon, dib-u-noqosho ma jirin. Waa inuu badiyaa, ama uu dhintaa. Taasi waa sirta ficilka!

Dadka nolosha dib u dhigaa (Procrastinators) waxay waligood is-dul taagan yihiin daanta webiga Rubicon. Waxay naftooda u daayaan wadooyin ay dib uga noqdaan (Escape routes). “Haddii aan maanta qori waayo, berrito ayaan qorayaa.”

Daawada: Gubo buundooyinka aad dib uga laaban lahayd. Samee qorshe aan la baajin karin. Naftaada geli xaalad ah: Waa hadda ama waligeed ma aha. Marka maskaxdu weydo meel ay u baxsato, waxay abuurtaa awood iyo xoog uusan qofku waligii isku ogeyn.

James Clear Iyo Dhismaha Farsamada Ficilka

Falsafaddu waa hagaha, balse farsamadu waa mashiinka. Sida uu qoray James Clear buugiisa qoto-dheer ee Atomic Habits (Caadooyinka Yaryar), dib-u-dhigidda laguma tirtiro “Xoog-maskaxeed” (Willpower). Xoogga maskaxdu waa sida batteriga oo kale; gelinkii dambe ayuu dhammaanayaa. Waxaad u baahan tahay nidaam (System).

Clear wuxuu inoo sheegayaa in khaladka ugu weyn ee aadanuhu sameeyo yahay inay diiradda saaraan “Hadafka Weyn” (The Big Goal). Marka aad ka fikirto inaad xirfad cusub si heer sare ah u barato, maskaxdu way naxaysaa, waxayna dooranaysaa dib-u-dhigid.

Xeerka 2-da Daqiiqo (The 2-Minute Rule):

Halkan waa meesha qalliinku ka dhacayo. Yaree hadafka ilaa uu ka noqdo mid aan macquul ahayn in la diido. Ha oran “Hadda waxaan samaynayaa jimicsi hal saac ah.” Dheh, “Hadda waxaan xiranayaa kabaheyga jimicsiga.” Ha oran, Waxaan hadda baranayaa xirfad dhamaystiran.” Dheh, “Hadda waxaan furayaa casharka oo waxaan baranayaa hal fikrad oo keliya.”

Marka aad jabiso caqabadda bilowga, sharciga fiisigiska ee Inertia (Sida uu qabo Isaac Newton) ayaa shaqaynaya: Shayga dhaqaaqa ku jiraa, wuu sii socdaa. Waa adag tahay inaad bilowdo, laakiin marka aad laba daqiiqo shaqayso, way adkaanaysaa inaad joojiso.

Beddelka Aqoonsiga (Identity Shift):

Clear wuxuu ina barayaa sir ka weyn ficilka; waa sirta aqoonsiga. Ha dhihin, “Waxaan isku dayayaa inaan joojiyo dib-u-dhigista.” Erayga “isku day” waa irid furan oo cudur-daar looga baxo. Taas beddelkeeda, qaado aqoonsi cusub. Dheh: “Waxaan ahay qof sameeya waxa ay tahay inuu sameeyo, xilliga ay tahay in la sameeyo.” Maskaxda aadanuhu waxay diidaa inay ka hor-imaado waxa uu qofku aaminsan yahay inuu yahay.

Gunaanad

Mudane, ama Marwo, noloshaadu ma aha tijaabo hordhac ah ee waa ciyaartii dhabta ahayd, waqtiguna wuu socdaa. Sida qof hawl adag soo afjaray marka uu gaaro natiijadii uu rabay, aynu halkan ku soo gabagabeyno falanqayntan.

Dib-u-dhigistu waa harka cabsida Carl Jung, waa iska-indha-tirka geerida Marcus Aurelius, waana nidaam la’aanta James Clear. Marka aad ogaato xaqiiqooyinkan, mar dambe ma lihid cudur-daar.

Ereyga “Hadda” ma aha waqti; waa xaalad maskaxeed (A state of mind). Waa ilbiriqsiga kaliya ee uu aadanuhu maamulo. Wixii tagay waa taariikh dhintay, wixii soo socdaa waa dhalanteed aan weli dhalan. Awooddaada oo dhan, qaddarkaaga oo dhan, iyo dhaxalkaaga oo dhan waxay ku xiran yihiin go’aanka aad qaadato inta u dhexaysa marka aad qoraalkan akhrintiisa dhameyso iyo ilbiriqsiga xiga.

Rubicon-kaagu waa ku sugayaa. Cabsida ka bax. Waqtigu kuma sugayo.

Maxaad samaynaysaa… Hadda?

Be G!